Maqaal:- dhibaatada heesata dhalinyarada Afrika oo idil qaasatanSomalida iyo kalinta ay kuleeyihiin madaxda maamusha!


Dalalka Africa oo inta badan ahaa xor in kabadan nus qarni waxa ay wali ladaa laa dhacayaan isku fil naasho iyo sidii ay dadka afrikanka ah loo hor marin lahaa.



Qorista maqaalkaan oo aad ii xiisa Gali naya darteed Waxaan lasheykeestay dhalinyaro badan oo qurba joog afrikaan ah iyo qaar badan oo qaaradeena Afrika jooga.
Afrika oo ah qaarada 2aad ee aduunka ugu weyn waxaa kunool muwaadiniin afrikaan ah oo gaaraya 1.2 biliyan, dhalinyarada afrika  ayaa noqday sanadahaan danbe dadka ugu badan aduunka ee kahaajira amaba kataga dalkooda hooyo.

Markaa aragto nolosha dadka afrikanka ee qaniga ah, kuwa faqriga ah iyo kuwa nolosha dhexe kunool Ayaan aheyn kuwo isku dheeli tiran.
mana jirto mashaariic iyo dadaalo dhab ah oo lagu hormarinayo mustaqbalka dhow iyo kan fog ee dalalka afrika waxana oradhan karaa madaxda afrikaanta ah maanta kuma jirto qorsho cad oo lagu hormarinaayo caruurta, iyo dhalinyarada Afrika si saro loogu qaado mustaqbalka danbe ee qaarada Afrika.
Waxan arintaan uga gunleeyahay isku dheelitir la'aanta nololeed ee kajirta qaarada Afrika qaasatan geeska Afrika taas ayaana keentay in dhalinyarada Afrika kahaajirto dalalkooda Waxana kusoo koobayaa dhowr  qodob oo aas aas u ah arintaan.
Waxbarashada, shaqada, iyo waliba ku tagri falka hantida shacabka oo Aan meel ku haboon marin, iyo musuq maasuq dilooday gobolka oo aanan walina loo bisleen kahortageeda. 
Hadii Aan kala qaad qaado qodobadaan Aan ku bilaabee waxbarashada.  

Aqoonta/waxbarashada

Waxbarashada oo aas aas u ah korinta maskaxda bini aadamka ayaa gobolka heysan waxbarasho tayeeysan oo gaaraysa kan dunidan hormaray ee maanta Aan ku nool nahay 
1.qof walba oo muwaadin afrikaan ah waxa uu Xaq uleeyahay sidey aniga igula muuqato inuu helo waxbarasho tayo leh misna lacag la'aan ah 
2. si dadka afrikanka ah ee taajiriinta ah iyo kuwa faqiirka ah caruurtooda u helaan wax barasho isku mid ah tayeeysana, 
3. In cunug kasta ee afrikaan ah lagu qasbo schoolada ilaa uu kadhameeyo fasalka 10. Kadibna loona madax baneeyo haduu xirfad baranaayo iyo haduu schoolka sii wadanaayo ilaa heer jamacadeed, 3. In ay dhalaanka Yar hee Waalid nooleen loo helo xanaaneyn dhameystiran sida kuwa Waalid kood joogaan oo kale,
 4.in jamacadaha Afrika latayeeyo si ay uga mid noqdaan jamacado kaciyaara aduunka Ranking fiican waayo jamacadaha Afrika tan ugu soo horey aduunka waxa ay kaga jortaa 300 iyo kabadan
5. In He'adaha waxbarasho ee wastrenka Lee yihiin lagu badalo kuwo local ah misna ahmiyadana lasiiyo afrikaanta. 
      
 Shaqada/shaqa abuuris

Shaqada iyo shaqaaleenta dadka Afrika ayaa ah mid kaduwan mida maanta dunida hormartay kajirta shaqada ayaa ah mid garabsi ah misna Aan loo fiirin aqoonta qofka iyo kartidiisa taasna ay keentay in qofka muwaadinka ah ee qoonta leh gurigiisa iska joogo shaqo la'aan darteyn, 1- westrenka oo aad igu sol badanaayo dhulkeena ayago shaqo doon ah heyado international ah iyo kuwa local ah kuna shaqeeya lacag kabadan kan muwaadinka afrikanka ah. 
2. In loo abuuro dhalinyarada goobo shaqo abuuris ah lana siiyo dhaqaalo kufilan  noolaha cusub iyo mustaqbalkooda.
3. In muwaadinka afrikanka Ama kan Somaliga ah Aan laga hormarin qof shisheeye ah oo Aan qaarada udhalan si anaga baahideena loo daboolo.
Musuqmaasuqa

Gobolka waxaa daahsaday musuqmaaduq ba'an oo kareebay qaarada aduunka, sida looga baxo waxa loo baahan yahay in laga hortago lana sameeyo heyado gudaha ah oo si cad ula xisaabtama madaxda dalalka Afrika iyo shaqalaha dowladaha Afrika oo dhan.

Intaas oo qodob waxay aas aas u ahaayeen arimaha dhalinta iyo hor marintooda iyo waliba sida looga gudbi karo tahriibka basaday gobolka   Waana fikradihii Aan ka soo aruuriyay dhanta Afrika kuwa jooga qaarada Afrika iyo kuwa jooga qurbaha, markaa waydiiso sababaha ku kalifay tahriibka waxay kuleeyihiin, anaga maheysano shaqo iskuulada iyo jamacadaha Afrika waa qaali lacagta hooda marka waxa doorbideenaa inaa raadsano meel kafiican Afrika oo lagu daryeelo sharciyo qaxootina nalaga siiyo. 

Hadaba isweydii adigoo ufakiraayo sida muwaadin afrikaan ah ama muwaadin Somali ah maxey kula tahay hadey dhalintaan Saas kusii socoto waxa dhici kara 50 sano kadib Ama mustaqbalka dhow

dhalinta ugu badan ee ku dhimata badaha, ito saxaraha waa kuwa afrikaanta misna ilaa iyo maanta uma jeedo madaxda afrikaanta ah oo dadaal ugu kirta arintaas sida looga hor tagi lahaa  waana arin aad u xanuunbadan una baahan in laga wada shaqeeyo joojinta aristaas iyo sidii Afrika dib loogu Celin Haa sharagteeda. 
       

Waxan hadalkeyga kusoo gunaanadayaa arin kusocoto madaxda Somalida in loobaahan yahay maanta in  Aad arintaan wax kaqabataan siloobadbaadiyo xaalka guud ahaan Afrika iyo kan Somalida qaasatan dhalinyarada.
hadii ay idin ku jirin wadani nimo oo shaqo un idinka tahay waxa aad kursiga ufadhidaan waa inaad ogaataan cimrigiina waa waxyar balse ubadkaa dhasheyn iyo kuwe dhalaanba waxa ay kujiri doonaan nolo kaxun tan maanta Aan kujirno oo waligeyn kor aduunka laqabsan meeno madaxda maantey naftiina iyo maalkiina bey u baahan tahay maanta Somalia ee uma baahno maal aad kaqaadataan.





Comments

Popular posts from this blog

SIDEENU U NOOLAANAA? QEYBTA 1AAD ´XOOLAHA´

QORAAL YAR OO KUSAABSAN DHACDADII XALAY EE MUQDISHO

Qisadii nololeed ee Ilhaan Aweys!