Posts

Showing posts from July, 2015

Hardanka soomaalidu kula jirto Nolosha iyo ogaansho darada Xilka kasaaran ilaalinta DeeGaanka ( MaQaaL)

Image
waxaa sanadahaan danbe aduunku aad u hadal haayaa kuleelka cimilada dunidaan aanu kunool nahay  oo aad  ukorertahy marka loo eego qarnigii 20aad ee aan kasoo gudubnay. inkastoo aanu wada ognahay in arintaan aaney quseynin soomaalida oo qura oo ay  dunida dhan hortaalo, waxaan hubaal ah inaan anagana kamid nahay dadka ugu badan oo ay saameyntu kuyeelatay arintaan. waxaa jira arin aanu soomali ahaan kadhiganay iney tahay wax dabiiciya oo waqti walba dhaci kara balse culimada seyniska arintaasi waxa ay kaqabaan fikrad kaduwan kan dadkeyna qaarkood ka aamin sanyihiin. miiyi joog iyo magaalo joog ba soomaalidu qaar waxay aamin san yihiin in abaaraha, kuleelka, iyo Nabaad guurkuba uu yahay wax dabiici ah waqti walba dhici kara hadaba su aashu waxey tahay,  Maxa keena abaaraha, kuleelka iyo nabaad guurka dhulka?  suaalahaan oo ah 3 waxaan isku dayayaa inaa kuwada koobo 1 jawaab oo muujineysa waxa keena iyo sida looga gudbi karo. Kuleylka waxaa lookala qeybiyaa labo qeebood oo kala ha kululaan