Qisadii nololeed ee Ilhaan Aweys!


Gabar soomaliya oo indhaha caalamka soo jiidatay

hadal heentii ugu badneeyd isbuucyadan warbaahinta caalamka ayaa aheyd gabar somali ah xaladeeda nololeed kasheekeesay dadka inta badan waxa ay sooqaateyn hadalkeeda anigana waxaan go'aan saday inaan afsomali kuturjumo si qoraal si ay iila wadaagaan asxaabta ku xiran bogaan sidaan ayuuna u dhacayaa.

waxan ahay gabar somali ah oo ku dhalatay sacudiga waxbarashadeeda hoose waxan kusoo qaatay wadankaas boqortooyada sucuudiga waxan xasuustaa aabo oo inoo qaadi jiray cimrada aniga iyo walalaheyga iyo hooyo anagoo faraxsan misana ciyaareena nolol farxad leh baan kujiray oo aan waligey danbe iney isoo mareyso sugeenin.

mudo kadib anagoo farxadaa kujirna ayaa aabe shaqada laga soo eryay waxaana lagu yiri dalka sucuudiga uga baxa dhamntiin mudo kayar 3 maalin kadibna waxan doorbidnay inaan aadno yemen oo ah wadanku dhow oo aan usafri karnay waxaan yemen waxan joognaba oo nolol adag kunoolaano maalin maalmaha kamid ah baa aabahey xanuusaday waxaana uqaadnay isbitaal ay leeyihiin dowlada Qadar waxa ugu horeeyay ee nala weydiiyay waxay aheyd.

si loo daaweeyo aabihiin la imaada lacag iyo sharci ?

waxana kujawaabnay sharci hanoo danbeeyee daweeya horta oo miiska saara,kadibna aniga intaa dib magaalada ugu laabtay si aan aabahey lacag ugu raadiyo waxa iisoo dhacay mobilka waxay aheyd walshey, oo ooy neysa kadibna waxa ay iisheegtay aabe inuu dhintay waxay aheyd maalin mugdi badan sida ay tiri Ilhaankadib waxan imid holland si aan nolosheyda wax ugu badalo waxan bilaabay barashada luuqada holland waxa maalin maalmaha kamid ah usoo dhacay ayadoo joogno maktabka buugagta lagu aqristo mobil qoraan kayimid heyada qaabisha dadka qaxootiga ah waan farxay bey tiri oo waxan isweydiiyay maxaqiiqbaa oo hollanad ma waxa ay noqon doontaa meshaan kudagi lahaa oo madhbaa riyadeyda maa ii rumowday ? 
suaalahaa iyo kuwo kabadan baan isweydiiyay balse mobil qoraalkii waxa uu noqday wax aanan sugeynin oo waxa ku qoran sida tan. 

Ilhaan Aweys warqadaan waxa ay kaaga timid hay´ada qaabilaada qaxootiga waxa ayna cadeyneesa in maanta wixii kadanbeeya aad heesato 48 saac oo aad wadanka uga baxdo waxa aadna heshay diidmo.

waxay ay dareyntay in ay san aheyn waxa ay ku riyoon jirtay wax suura gal u noqday maantana ay san heysan meel ay ciirsato.waxay ay leedahay Ilhaan ma saan baa ii qorneyd, ma ogi in aan maalin maalmaha kamid ah nolosheyd ay wax iska badali doonaan oo aan kunoolaan doono nolol caadi ah sida dadka qaar ee aduunka kunool dhibka heysta waxa uu uga xoogbadnaa wax walba ilaa iyo maanta oo aad aqrineyso qoraal kkaan ilhaan waa sida ay aheyd shalay uduceeya oo waa gabar muslimad ah garab qabta hadii aad wax u awoodaan waayo waa gabar walashiin ah oo somali ah mahad sanidiin dhaman tiin jimca wanaagsan         halkaan kadaabo ilhaan oo af carabi ku hadleesa

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

SIDEENU U NOOLAANAA? QEYBTA 1AAD ´XOOLAHA´

QORAAL YAR OO KUSAABSAN DHACDADII XALAY EE MUQDISHO