Saturday, April 25, 2020

QORAAL YAR OO KUSAABSAN DHACDADII XALAY EE MUQDISHO



                                              SHALAY IYO MAANTA


Ninbaa soo diray sawirkan oo Kusoo qoray shalay iyo maanta asaga oo muujinaya shacabka reer Muqdisho sidda ay Qarbudaadda ugu wanaagsan yihiin. 

Aniga waxaan iri soomaali hantidoodii kacaanka udhisay ayeey 2bo maalin kadhigeyn oo ay bililiqeysteen. meelyar oo Baska lagu sugo ilmaha yar baa cagta kudhufanaya. Taasi waa sheeko kale. Xalay boondheere waxa is qabsaday banaanbax, haduu mid nabdoonyahay muxuu dhibi lahaa. Dadka oo kala durka, subixii intey sugaan bay boorar qoraal kuqoran laamiyada lamari kareen ayagoo 2 miter isku jira.



Sheekh Abdulrahman Bashiir
oo aan dhagaysanayay waxa uu yir ummad ilbaxa ah manihin ee wali waxa aynu nahay badow oo waxa magaalooyinkeena lakeeno oo dhan waa dad ilbax ah waxa ay sameysteyn oo anagu waxa inaga maqan inaan fakarno oo ilbaxnoqono.

Anigu waxa ay ila tahay in ilbaxnimadu aynan Ahayn wax labarto balse ey tahay wax lagaaro. Sida qaangaar nimadda oo kale, ama Waayeel nimadda oo kale.
Waa arin ubaahan zamanka/waqtiga. Waa labo xaaladood oo muhiim u ah aadanahu. 


Hadaba Qofka intuu soo baxay leydhka magaalada dhagaxeynaya, laamigana gubaya, kaasi ilbax maahan. Kan ku farxaya, oo siyaasadeynaya, misna taageyraya asagana ilbax maahan.


Askariga dilka geystay


Askari laxiray iyo 2bo qof oo gacantiisa ku baxday, 3dooda waa dhalinyo kayar 24sano.

Wiil yar oo askari ah baa dilay laba qof oo dhalinyaro ah, asagii bay ciidanka dowllada soo qabteen, Anigu sharciyan uguma hadlayo hada balse waxa jira wax badan oo ubaahan in la eego intaan qof laxugmin.

Ma kutalagal bey aheyd, Askarigu miyuu naftiisa u cabsaday oo wuu is difaacayay, Mise way uga fakatay xabadda. 

Falcelinta shacabku waa dareemi karaa. waxa iimuuqdase dad badan oo dano gaar ah wata. Rag hormarka kasoo horjeeda, oo dalka iney burburiyaan usoo kacay. Horta maxaad hantidaada uburburineysaa hadaad muwaadin wanaagsan tahay. Waxa lagu jiraa xili xun maad dowllada shaqadeda udeysid.

Fayraska karoonaha (covid-19),


Bukaanada ugu badan ee Karoona fayraska dalka oo Muqdisho laga diiwaan galiyay, iyo bulshada sida ay ugu war layihiin dhibka soo socda. Dadku maynan ogeyn sida ummada soomaliyeed ugu dhimanayso cudurkan dunidda oo idil.

Soomaalida oo 16 million lagu qiyaasay waxa lasheegayaa in ugu yaraan 60% uu ku dhici karo covid-19, Taas oo noqonaysa 9,6 million. 

Dhimashaduna waxa ay Gaari kartaa 15-20% boqolkiiba. Nin intaa og xalay banaanka ma uusan usoo bixi laheyn.

Sootii layiri:- 

Ha isku imaanina, Ha isi salaamina, Ha isku horquficina, oo Ha isku neefsanina. Qof ka Soomaaliga ah ee aan xalay ilaa saakay banaanbaxayay. Waa 4 Midkood. 

B) Qof xanuunsan oo asaga cudurkii sida lawareegaya.
T) Qof difaaca jirkiisa wanaagsan yahay balse cudurkii sida. 
J) Dhalinyaro aan dareen sanen dhib ka uu leeyahay cudurka, balse faafinaya ayaga oo aan calaamado isku arkin.
X)Qof caafimaad qabay oo xalay laga yaabo inuu labanaan baxayay qof cudurkii sida. 

Markana waxa ku qabanaya sharciga karantenka, kaas oo kugu waajibinaya inaad gurigaaga joogtid mudo 15 cisho ah, inta iska hubineysid inaad caafimaaad qabto iyo inkale.

Qof guriga jooga oo waayeel ah, Ama xanuun kale qaba baad halis kalisay. 

Hadaba adigu is weydiiyoo maxaad soo kordhisay marka askari fal uugeystay oo asagana lasoo qabtay, Baad adna banaanbax ugu dartay magaaladii. 

Hadaba taa macnaheedu waxay tahay inaadan ahayn muwaadin dantiisa iyo danta ummada uu lanoolyahay kafakiraya. Dalalaka caalamka qaarkood baa bandow kujira ilaa 3bilood 24saac. Banaanbax iska daayee, aadan soo adeegan karin adigoonan warqad wadan. Bal isweydiiyoo Maxaad usoo banaanbaxeysaan oo aad uhaligeysaan naf kale oo soomaaliyeed.

Adigu ma ogid balse waxa laga yabaa cudurka xalay faafisay inuu Muqdisho kudilo boqolaal qofoood oo soomaali ah. Gabar xaamilo ah, wiil yar oo xanuunsan, oday waayeel ah, awoowe iyo Ayeeyo, hooyo, iyo aabe, macalimiin, dhaqaatiir. umad badan oo wax tar uleh dalkaan iney galaf sato naftooda adigoona u aabo dayin. 


Tii ilaahey waa mesheeda balse aniga waxa ii muuqda umad aan tuurta dajinenin, Ama aanan simeynin. Taasna waxa ay dhib kunoqonaysaa dhaman shacabka soomaaliyeed marka lawaaayo si loo kala duugo. 
marka ay dhacdo in lakala doorto yaa labad baadinaya, ayaana layka deynayaa. fadlan aqristow gaarsii saxiibka si aan u caawiso dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayasha caafimaadka ee soomaaliya.




Ramadan Mubarak

Saturday, April 7, 2018

PHOTOS: The Beauty of Somalia 















Have you ever seen or heard about the beauty of Somalia beaches? This is Mareeya, a small village in Nugaal region, strategically postured to the azure of the Indian Ocean waters. But no tourists visit here.




But this is not the only attractions we have in Somalia. Other places with interesting rugged natural beauty include Mogadishu’s centuries-old buildings and white sandy beaches, Laas Geel in Somaliland, Kismayo National Park, Berbera Seaside, Hargeisa Provincial Museum and the National Museum of Somalia in Mogadishu and Naasa Hablood mountains in Somaliland.










Filled with landmarks that speak to the country’s rich history as a colonial trading port, as well as untouched natural attractions, Somalia’s social and cultural heritage is certainly worth noting.












Edited by Abdalle Ahmed Mumin

Source: SomaliUpdate Online and SONNA

Monday, February 12, 2018

SIDEENU U NOOLAANAA? QEYBTA 1AAD ´XOOLAHA´

Dunidu oo dhan marka lasku geeyo dadka kunool waxa lagu qiyaasay dad kor udhaafaya 7billion.

Qaarada aan kunool nahayna waxa nagula nool in kabadan 1.2billion oo qofood waxaana laga yabaa 50 sano ee soo sacda iney gaarayaan 4billion.

Hadaba ummada somaaliyeed waa imisa?

iskugeen somalida dagta geeska afrika waxa lagu qiyaasaa 20milyoon oo udhiganta wax kayar 1% dadka kunool qaarada Afrika.

FG. somalida aan sheegayo waxa ay kala dagtaa Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Somalia.

Soomaaliya
Ummadahaa aan soo sheegay ee ku kala nool dunida inteeda kale, waxbaa ina wada mideeya, waxbaa inoo kala gadisan, waxbaa inaga dhaxeeya, waxna waa ay inoo kala soocan yihiin.

maxaan ula jeedaa taa? 


xogtaan aan soo aruuriyay waxaad kaga bogan kartaa dhoor walxood/siyaabood oo aan diirada kusaarayo qoraalkeyga maanta.

Dadka oo dhan waxa ay kabooban yihiin dowllado is aruursaday iyo kuwo laysku qasbay. 


Dadka soomaaliyeed ilaah waxa uu ugu deeqay dhul kheyraad ka buuxo kuwo la arko iyo kuwo aan la arkinba oo ubaahan cilmi iyo tacab xoogan silooga faaiideysto. 

waxaynu nahay/ahaan jirnay ummad xoola dhaqata ah oo heesta xoola kabadan naftooda, sidaa darteedna waxaynu garanay inaan ganacsiyo lasameeno dunida inteeda kale oo dadyowga kale ee caalamka inteeda kale dagan in aan udhooofino xoolaheena si aan ayagana ugu faaiideyno oo ay nolol uga dhigtaan anaguna aan u helno maal aduun, dhaqaale,faakiheesi iyo lacago dadkale kayimid si aan dalkeena ugu maalgalino.


Si aynu usii wadano dhaqaalahaas iyo dhoofintaas waxaaynu sameyn jirnay in xoolaha ladhoofiyo kooda Lab ka ah Dhaddgina laxanaaneeyo si ay u tarmaan/bataan oo looga mana ficaad sado sanado badan oo soo socda iyo jiillal badan in ay gaarto qeyraadaka iyo qoys walba oo soomaali ah uu heysto.

Ganacsata iyo dowladii soomaaliya waxay sameeyeen fikir fiican oo ah si ganacsigaan usiisocdo in ay dhowfiyaan hilibka oo ah ahmiyada ugu weyn ee neefka Labka ah laga rabo, haragiisana dalka gudihiisa waxii uu qabanayo looga faaiideysto. 

Hadda xaalku meesha uu marayo sidaa way kaduwan tahay oo dalkeena waxaa hala keeyay dowllad laáan mudo heysatay, in aan laga warqabin xoolaha oo waliba reerku kuurabo uu iska gado, ganac sataduna way sii dhoofisaa. 

Xoola yarideena maanta ina heysata waxaa sababay in xoola loo iib geeyo dunida inteeda kale oo aan loofiirin Lab iyo Dhaddig midkoodna.

Waxa imaan kara in lagaa marmo xoolaha laga iibsado intaa lacag yar ku rabto.  dalkoodana kukeed sadaan adigana ad bari ubaahato inaad xoolo soo dhoofsato waliba adigoon heysan hanti oo ay kugu qaaliyeeyaan. 

Tusaale 2014kii soomaaliya markii laga qaaday cunaqateynta xoolaha oo uu saarnaa mudo shan sano ah oo sababta lagu sheegay cuduro laga helay xoolaheeda ayaa markii ugu horeesay ay dhoofiyay in kabadan 5million oo neef. 4.6milyan neef  oo Ari iyo Ido isugu jira, 77,000 neef oo geel ah 340,000 neef oo Lo ah. 


Xog uruurin kale oo lasameeyay ayaa sheegay in abaarihii is xigxigay ee dalka kadhacay inuu sababay dhimashada marka ay ugu yartahay 55% xoolihii soomaalida. 

meeshaa waxaa iiga soo baxday in dhimashada xoolahaas tirada badan iyo dadkii dhaqanayay qaarkood iyo dhoofinta xoolaha oo aan sifiican looga fakirin iyo in ganacsato badan aynaan maanta kubaraaruk saneyn dabaqadaha ummada iyo badbaadin mustaqbalkooda dhaqan dhaqaale. 

Markaan kafakiro sida loo badbaadin karo nolosha reer guuraaga xooladhaqatada oo sida aan oga ah maanta xaalka ay kusugan yihiin sababi karto inta ku hartay baadiyaha ay kasoo guuraan magaalda soogalaan xoolahana dabar goaan. 

Sheekooyinka niyadeyda kusoo dhacaya ayaa ah soomaalida oo xoolohoodii dabar goay magaalooyinka isugu yimid, bariis iyo baasto unbaa lasoo dhoofsan jiree xoolihii lacuni lahaana indakadaha lagu soo xirto si maqaaxiyada iyo dukaamada iyo guryahaba looga iibsato si ay dadka ucunaan, maqaa xiyadana ad ku aragto duqow uranaya waxaa jiri jiray xili aan xoolaha hodan ka aheyn maanta hilibkii ayaa lalayahay. 


waxaa nasiib xumo ah in anagoo manata awoodna inaan tartiibsano xoolahena.

Maareeno sidaan ku hor marin laheyn. 

Sameeno beero cowska lagu beero si xoola dhaqatadeena ay cuno ugu helaa xoolahooda. 

Iyo in loo sameeyo baraago biyo si ay guurguurista uyareeraan, oo aan dhulka loo nabaad guurin.

Iyo in lasameeyo maxjaro xoolaha lagu xareeyo, lagana dhoofiyo.

Warshado Hilibka qalo laguna baceeyo, loona dhoofiyo hilib diyaarsan oo aan xoolo nool loodhiifin  si looga hortago xaalka jira manta. 

waxa intaa dheer oo muhiim ila ah in caanaha iyo hilibka xoolaha aanan wadanka dhaxdiisa sidii ku habooneed laaga isticmaalin oo aan aniga indhaheyga kusoo arkay. 

bulshadeena magaalooyinka kunoolna waxa ay maanta isticmashaa caanaha laga keeno dibada oo gasaceysan qaarkood looga keenay qaarado fogfog. qaarna lagu sameeyay dalalka dariska ah. dadku waa iney fahmaan caanaha dalka inuu muhiim yahay si aanu kugaarno hormar.

Reer guuraageenuna ay kudhiiradaan xoolahooda suuqyo gudahana loogu sameeyo si aynu u ilaal sano dhaqaalaheyna iyo hantideena. 

Manaafaca caanaha waxaan kaga hadli doonaa faalo kale balse hada tani waxa ay gabogabo utahay qoraalkaan ueegayay dhibaatada xooga leh ee aan dareemayo in bulshadeena wajahdey/wajeheyso/wajihidoonto. 

Qodobkaan waxa uu muhiim iigu ahaa iigana duwanaa qoraaladeyda kale dhoor siyaabood oo aad iitaabtay. 

waa kowee xaalka bulshadeena maanta kusugantahay oo aad u a adag.

Iyo iney qof dareemayo uu aad uyar tahay, dadka qaarna ayba arintaa xoog u helin oo ay xaalkooda aduun katan badisay. 

kuwa qaarna aynaan mic u sameeneyn.






F.G waxaa isku daba xigi doona qoraalo is xigxiga oo aan ugu magac daray SIDEENU UNOOLAANAA´



Wednesday, September 21, 2016

´´Qormo kusaabsan Qilaafka bada ee kadhaxeeya Somalia iyo Kenya´´
waxa ay ila tahay in dhaaman umada soomaaliyeed ee aan xibinta ka ahay iney ila qabto arintaan soo cusboonaatay baryahaan oo hadana loo fadhiyo maxkamda caalamiga ee ku taalo dalka Holland. 
waxan is weydiiyay dhoor suáalood oo maskaxdeyda ka guuxaya waxa isku dayay inaan kala qaado su´aalahaan ilaa dhowr qeybood oo qof walba ku fakiri karo waa marka 1aad 
sida ee kula tahay iney ku dhaman karto maxkamadan
iyo go´aanka ee qaadato maxkamada manoqon doontaa mid ee ku qancaan 2bada dal.

91kii kahor 
soomaalida iyo kenyaatiga waxaa ay daris ahaayeen intii uu aduunka jiray balse majirin xuduudo udhaxeeya oo nin walba waa uu ogaa dhulka uu ilaah kubeeray,  markii uu yimid gumeystihii Afrika waxa ay sammeyeen xuduudo ay kukala calaamadinayaan dalalka afrika aydoo ay soomaaliya kamid noqotay umadihii xaqooda laduud siiyay oo dadkooda lagu kala daray dalal kale oo geeska afrika ladaga balse waxa dalweynihii somalia oo sidaa loo kala jaray ilaah ku maneystay dhulkooda qeyraad farabaadan oo ayaga iyo jiilkooda mustaqbalka kabadan.
dowladii somaliyeed ee 60kii ladhisay ayaa ayada oo ka duuleysa ayeey go´aan satay qorsho ay ku mideyneeso dhaman umada soomaaliyeed midaas oo ay diidanaayeen dhaman dalalka caalamka kuwaas oo kaqeyb qaatay kala geybintii umuda somaliyeed ayagoo kaduulaya dhowr arimood oo aan hada rabin inaan inta ku kusoo ban dhigo,  
hadii aan kusoo laabto arinta xuduuda, Kenya waxa kutabeenay dhul iyo bad soomaaliyeed oo ay gumeysigii siiyeen, waxa ayna waligeed kacabsan jirtay 
in aan dib uga qaadano waana sida uu qorshuhu ahaa 90kii hor, maxa dhacay xiligii dowldii dhexe dhacday kadib ?

dowladii dhaxe dhicisteeda kadib maxa isbedelay?
waxa isbadalay qorshihii soomalida ee ahaa in maalin un xornimadooda helaan dadka soomaalida ah si ay ayagu u go´aan sadaan in ay dowlad noqdaan ama ay ku biiraan  soomaalida kale si ay aayahooda ugu tashadaan ayagoo kamadax badaan ajaanib kale oo aan kuluuqad iyo ku dhaqan aheyn. 
fikradaas waxa ay isbedashay marka ay soomaaliya bilaa dowlad noqotay mudo dheer oo ay iyaga isku mashquuleen, taasna waxa ay keentay in maanta intii laga soo taagay dhulkii maqnaa laysku heysto dhulka u haray soomaalida ooba loo soo xeed xeetay si soomaalidaan aan cidi umaqneyn, dadkiisana iska hurda in lagala wareego dhulkaan qeyraadka eebe ku maneystay oo aay naan ujeedin dadkii lahaa, waxa dhacday in maanta ay Kenyaatigu ay kudarsadaan badooda bad balaceedu uu la egyahay gobolka hiiraan taasna ay kadanbeesay madax soomaaliyeed oo u arkay in dantii guud iyo
dhulkii soomaalida ee lawada lahaa iney danahooda qaas ahaaneed kufushaan oo ay micno ugu fadhin waxa umada wada leedahay, waxaan istusay maanta ay soomaalida umidowday danahooda         arkeena in ay waxba gacanta kuheyn balse muxuu soo kordhin karaa hadii ay dib usoo ceshtaan          dhulkooda makulatahay in ay qeyraadka kujira badda soomaliya ugu faaiideyn doonaan soomaada       ayadoo ay maanta Heyda qaramada midoobay uqaabilsan cuntada ay sheegtay in kudhawaad 40%        soomalida ay soo wajahday cunta la´aan oo ay abaaro iyo nolol xumo ba´an ay heesato.    
         
waxan jecleystay inaan kusoo gunaanado oraahdaan aan meeshaan ku qoray oo maskaxdeyda kaguuxeysay maalmahan misna jeclaystay inaan idinla wadaago dhamaantiin su´aal taas oo qofwalba oo dinka mid ah jawaabtiisa laga sugayo.  
adigoo u hadlaya sidii qof muwaadin  soomaali ah maxay kulatahay arinta bada kusaabsan, sideese kula tahay inaan ula macaamilno  Kenya hadii aan kuguul dareesano maxkamada loo fadhiyo maanta? 
waa dhica kalee sidee kula tahay inaan uga faaiideysan karno qeyraadkeena badda kujira hadii aan ku guuleysano maxkamadaan ?
        

                                       MAHADSANID 



Friday, July 8, 2016

Soomaaliwayn

hididiilada iyo hiigsiga awoowayaasheen kujirtey xiligii Hornima doonka iyo sida aynu u kala jajabnay ayaa ah kaaf iyo kala dheeri.

umad waliba waxa ay leedahay taariikh u gooniya oo ay ka dhaxlen awoowe yaashood taas oo ay baraan ubadkooda si ay ugu noqoto sahay aan dhamaan si taariikhdu ujoogto. 

Hadaba waxa arintaan uga gunleeyahay dhamaadka qarnigii 18naad ayaa ugu danbeesay xornimo ay umada soomaliyeed hesho markaas oo ay gumeystii Ingriiska iyo Talyaniga ay soo galeen dalkeena ayaga oo aa. Aqoon ulaheyn dadkeena waxa ay go'aan sadeyn in ay kala qeyb Sadaan taas oo ay ku guuleysteen mudo nus qarni ah markii ay heysteyn oo ay si wanaagsan inoo barteyn dhalinyaradii kudhalatay gumeystuhu xiliga uu naheystay baa qaan gaaray, kuna gaboobay, waa awoowe yaasheene.

balse waxa ay goosteen in ay noqdaan dad xor ah oo ka madax banaan gumesiga ajaanibka waxaa ku guulestay 1960 labo qeyb oo kamid ah umadii soomaaliyeed ayada oo ay kadhiman yihiin Sadex kale, balse mudo Kadib ayaa jabuuti xornimadeedii kaheshay fransiiska Kaas oo aheyd farxad kusoo korortay, qorshaha oo ahaa in lamideeyo soomaali oo dhan ayaa waxa kahar sanaa dhulka soomaalida ee itobiya iyo dhulka soomaalida ee kenya kuwaa oo u arkayay arinta soomaalida mid xasaasi ah balse aynaan sii heysan karin waayo waxa ay u arkayeen in soomaalida aynaan dhulkooda iyo dadkoodaba laheysan Karin oo gumeysigii cadaa awoodi ay ku Saareyn ay Wali jirto, dad dhiigooda iyo maalkooda xornimadoo u huraya yihiin.......
 Lasoco qaybta 2aad

Friday, August 14, 2015

Qisadii nololeed ee Ilhaan Aweys!


Gabar soomaliya oo indhaha caalamka soo jiidatay

hadal heentii ugu badneeyd isbuucyadan warbaahinta caalamka ayaa aheyd gabar somali ah xaladeeda nololeed kasheekeesay dadka inta badan waxa ay sooqaateyn hadalkeeda anigana waxaan go'aan saday inaan afsomali kuturjumo si qoraal si ay iila wadaagaan asxaabta ku xiran bogaan sidaan ayuuna u dhacayaa.

waxan ahay gabar somali ah oo ku dhalatay sacudiga waxbarashadeeda hoose waxan kusoo qaatay wadankaas boqortooyada sucuudiga waxan xasuustaa aabo oo inoo qaadi jiray cimrada aniga iyo walalaheyga iyo hooyo anagoo faraxsan misana ciyaareena nolol farxad leh baan kujiray oo aan waligey danbe iney isoo mareyso sugeenin.

mudo kadib anagoo farxadaa kujirna ayaa aabe shaqada laga soo eryay waxaana lagu yiri dalka sucuudiga uga baxa dhamntiin mudo kayar 3 maalin kadibna waxan doorbidnay inaan aadno yemen oo ah wadanku dhow oo aan usafri karnay waxaan yemen waxan joognaba oo nolol adag kunoolaano maalin maalmaha kamid ah baa aabahey xanuusaday waxaana uqaadnay isbitaal ay leeyihiin dowlada Qadar waxa ugu horeeyay ee nala weydiiyay waxay aheyd.

si loo daaweeyo aabihiin la imaada lacag iyo sharci ?

waxana kujawaabnay sharci hanoo danbeeyee daweeya horta oo miiska saara,kadibna aniga intaa dib magaalada ugu laabtay si aan aabahey lacag ugu raadiyo waxa iisoo dhacay mobilka waxay aheyd walshey, oo ooy neysa kadibna waxa ay iisheegtay aabe inuu dhintay waxay aheyd maalin mugdi badan sida ay tiri Ilhaankadib waxan imid holland si aan nolosheyda wax ugu badalo waxan bilaabay barashada luuqada holland waxa maalin maalmaha kamid ah usoo dhacay ayadoo joogno maktabka buugagta lagu aqristo mobil qoraan kayimid heyada qaabisha dadka qaxootiga ah waan farxay bey tiri oo waxan isweydiiyay maxaqiiqbaa oo hollanad ma waxa ay noqon doontaa meshaan kudagi lahaa oo madhbaa riyadeyda maa ii rumowday ? 
suaalahaa iyo kuwo kabadan baan isweydiiyay balse mobil qoraalkii waxa uu noqday wax aanan sugeynin oo waxa ku qoran sida tan. 

Ilhaan Aweys warqadaan waxa ay kaaga timid hay´ada qaabilaada qaxootiga waxa ayna cadeyneesa in maanta wixii kadanbeeya aad heesato 48 saac oo aad wadanka uga baxdo waxa aadna heshay diidmo.

waxay ay dareyntay in ay san aheyn waxa ay ku riyoon jirtay wax suura gal u noqday maantana ay san heysan meel ay ciirsato.waxay ay leedahay Ilhaan ma saan baa ii qorneyd, ma ogi in aan maalin maalmaha kamid ah nolosheyd ay wax iska badali doonaan oo aan kunoolaan doono nolol caadi ah sida dadka qaar ee aduunka kunool dhibka heysta waxa uu uga xoogbadnaa wax walba ilaa iyo maanta oo aad aqrineyso qoraal kkaan ilhaan waa sida ay aheyd shalay uduceeya oo waa gabar muslimad ah garab qabta hadii aad wax u awoodaan waayo waa gabar walashiin ah oo somali ah mahad sanidiin dhaman tiin jimca wanaagsan         halkaan kadaabo ilhaan oo af carabi ku hadleesa