Posts

Showing posts from June, 2015

Faalo:- gobonimo doonkii kasaaray gumeystii Dalka iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koofureyd

Image
1 luulyo 1960 waxay aheyd Maalin aad qiimo weyn ugu fadhiday dhamaan umuda somaliyeed  Run ahaantii qof Aan taagneyn waqtigaas Ma qiyaasi Karin farxadii iyo hididiiladii jirtay habeenkaa  Waxay aheyd habeenkii ay xornimada qaadatay koonfurta Somaliya ayadoo calankii talyaaniga laga siibay dhulkeena Hooyo meel walba uu kataaagnaa laguna badalay kan qaranka Somaliya ee u eg cirka oo bilaa caad ah kana dhax muuqata xidigta 5ta gees leh ee cadey neysa tirada qoomiyada Somalida  Dadka xiligaa jiray waxay dhab ka aheyd somali nimada waxa ayna naftooda iyo hantidooda kajeclaayeen wadankooda Taas oo wax walba kala weyneyd! SU'AAL! Muwaadin adigoo naftaada ka runsheegaya makula tahay in Somalinimada kaala weyntahay wax walba oo aduunka maanta saaran ?    Jawaabtaadu Ma ( maya ) baa mise waa  ( Haa ) adigoonan wax yaabo kale shuruud kadhigin.    Hadaba umada somaliyeed ee barigaa jirtay iyo kuwa maanta jira waxa udhaxeeya farqi weyn taasna waxaa cadeyn kuugu filan sawirka hada Somaliya kaaga
                                                           Hordhac waxaan soo wadaa dhoor faalood oo idin xiiso galin doona kaas oo ka turjumaya buug aan soo wado  qoristiisa buugaas ayaa ka hadli doona wax yaabo badan oo kusaabsan noloshii hore ee somalida iyo dhaqan koodii la  magac baxay reer guuraaga buugaas aan qoraalkiisa soo wado  wuxuu soo bixi doona sanadka nagu soo fooda leh ee 2016 dhamaadkiisa haduu Eebe idmo waxan rajeynayaa inaa kawada heli doontaan faalooyinka soo socda  waxan rajeynayaa inuu idin xiiso galin doono                                           Mahadsanidiin                                                                                                                                                    by: kulane