QORAAL YAR OO KUSAABSAN DHACDADII XALAY EE MUQDISHO



                                              SHALAY IYO MAANTA


Ninbaa soo diray sawirkan oo Kusoo qoray shalay iyo maanta asaga oo muujinaya shacabka reer Muqdisho sidda ay Qarbudaadda ugu wanaagsan yihiin. 

Aniga waxaan iri soomaali hantidoodii kacaanka udhisay ayeey 2bo maalin kadhigeyn oo ay bililiqeysteen. meelyar oo Baska lagu sugo ilmaha yar baa cagta kudhufanaya. Taasi waa sheeko kale. Xalay boondheere waxa is qabsaday banaanbax, haduu mid nabdoonyahay muxuu dhibi lahaa. Dadka oo kala durka, subixii intey sugaan bay boorar qoraal kuqoran laamiyada lamari kareen ayagoo 2 miter isku jira.



Sheekh Abdulrahman Bashiir
oo aan dhagaysanayay waxa uu yir ummad ilbaxa ah manihin ee wali waxa aynu nahay badow oo waxa magaalooyinkeena lakeeno oo dhan waa dad ilbax ah waxa ay sameysteyn oo anagu waxa inaga maqan inaan fakarno oo ilbaxnoqono.

Anigu waxa ay ila tahay in ilbaxnimadu aynan Ahayn wax labarto balse ey tahay wax lagaaro. Sida qaangaar nimadda oo kale, ama Waayeel nimadda oo kale.
Waa arin ubaahan zamanka/waqtiga. Waa labo xaaladood oo muhiim u ah aadanahu. 


Hadaba Qofka intuu soo baxay leydhka magaalada dhagaxeynaya, laamigana gubaya, kaasi ilbax maahan. Kan ku farxaya, oo siyaasadeynaya, misna taageyraya asagana ilbax maahan.


Askariga dilka geystay


Askari laxiray iyo 2bo qof oo gacantiisa ku baxday, 3dooda waa dhalinyo kayar 24sano.

Wiil yar oo askari ah baa dilay laba qof oo dhalinyaro ah, asagii bay ciidanka dowllada soo qabteen, Anigu sharciyan uguma hadlayo hada balse waxa jira wax badan oo ubaahan in la eego intaan qof laxugmin.

Ma kutalagal bey aheyd, Askarigu miyuu naftiisa u cabsaday oo wuu is difaacayay, Mise way uga fakatay xabadda. 

Falcelinta shacabku waa dareemi karaa. waxa iimuuqdase dad badan oo dano gaar ah wata. Rag hormarka kasoo horjeeda, oo dalka iney burburiyaan usoo kacay. Horta maxaad hantidaada uburburineysaa hadaad muwaadin wanaagsan tahay. Waxa lagu jiraa xili xun maad dowllada shaqadeda udeysid.

Fayraska karoonaha (covid-19),


Bukaanada ugu badan ee Karoona fayraska dalka oo Muqdisho laga diiwaan galiyay, iyo bulshada sida ay ugu war layihiin dhibka soo socda. Dadku maynan ogeyn sida ummada soomaliyeed ugu dhimanayso cudurkan dunidda oo idil.

Soomaalida oo 16 million lagu qiyaasay waxa lasheegayaa in ugu yaraan 60% uu ku dhici karo covid-19, Taas oo noqonaysa 9,6 million. 

Dhimashaduna waxa ay Gaari kartaa 15-20% boqolkiiba. Nin intaa og xalay banaanka ma uusan usoo bixi laheyn.

Sootii layiri:- 

Ha isku imaanina, Ha isi salaamina, Ha isku horquficina, oo Ha isku neefsanina. Qof ka Soomaaliga ah ee aan xalay ilaa saakay banaanbaxayay. Waa 4 Midkood. 

B) Qof xanuunsan oo asaga cudurkii sida lawareegaya.
T) Qof difaaca jirkiisa wanaagsan yahay balse cudurkii sida. 
J) Dhalinyaro aan dareen sanen dhib ka uu leeyahay cudurka, balse faafinaya ayaga oo aan calaamado isku arkin.
X)Qof caafimaad qabay oo xalay laga yaabo inuu labanaan baxayay qof cudurkii sida. 

Markana waxa ku qabanaya sharciga karantenka, kaas oo kugu waajibinaya inaad gurigaaga joogtid mudo 15 cisho ah, inta iska hubineysid inaad caafimaaad qabto iyo inkale.

Qof guriga jooga oo waayeel ah, Ama xanuun kale qaba baad halis kalisay. 

Hadaba adigu is weydiiyoo maxaad soo kordhisay marka askari fal uugeystay oo asagana lasoo qabtay, Baad adna banaanbax ugu dartay magaaladii. 

Hadaba taa macnaheedu waxay tahay inaadan ahayn muwaadin dantiisa iyo danta ummada uu lanoolyahay kafakiraya. Dalalaka caalamka qaarkood baa bandow kujira ilaa 3bilood 24saac. Banaanbax iska daayee, aadan soo adeegan karin adigoonan warqad wadan. Bal isweydiiyoo Maxaad usoo banaanbaxeysaan oo aad uhaligeysaan naf kale oo soomaaliyeed.

Adigu ma ogid balse waxa laga yabaa cudurka xalay faafisay inuu Muqdisho kudilo boqolaal qofoood oo soomaali ah. Gabar xaamilo ah, wiil yar oo xanuunsan, oday waayeel ah, awoowe iyo Ayeeyo, hooyo, iyo aabe, macalimiin, dhaqaatiir. umad badan oo wax tar uleh dalkaan iney galaf sato naftooda adigoona u aabo dayin. 


Tii ilaahey waa mesheeda balse aniga waxa ii muuqda umad aan tuurta dajinenin, Ama aanan simeynin. Taasna waxa ay dhib kunoqonaysaa dhaman shacabka soomaaliyeed marka lawaaayo si loo kala duugo. 
marka ay dhacdo in lakala doorto yaa labad baadinaya, ayaana layka deynayaa. fadlan aqristow gaarsii saxiibka si aan u caawiso dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayasha caafimaadka ee soomaaliya.




Ramadan Mubarak

Comments

Popular posts from this blog

SIDEENU U NOOLAANAA? QEYBTA 1AAD ´XOOLAHA´

Qisadii nololeed ee Ilhaan Aweys!