´´Qormo kusaabsan Qilaafka bada ee kadhaxeeya Somalia iyo Kenya´´
waxa ay ila tahay in dhaaman umada soomaaliyeed ee aan xibinta ka ahay iney ila qabto arintaan soo cusboonaatay baryahaan oo hadana loo fadhiyo maxkamda caalamiga ee ku taalo dalka Holland. 
waxan is weydiiyay dhoor suáalood oo maskaxdeyda ka guuxaya waxa isku dayay inaan kala qaado su´aalahaan ilaa dhowr qeybood oo qof walba ku fakiri karo waa marka 1aad 
sida ee kula tahay iney ku dhaman karto maxkamadan
iyo go´aanka ee qaadato maxkamada manoqon doontaa mid ee ku qancaan 2bada dal.

91kii kahor 
soomaalida iyo kenyaatiga waxaa ay daris ahaayeen intii uu aduunka jiray balse majirin xuduudo udhaxeeya oo nin walba waa uu ogaa dhulka uu ilaah kubeeray,  markii uu yimid gumeystihii Afrika waxa ay sammeyeen xuduudo ay kukala calaamadinayaan dalalka afrika aydoo ay soomaaliya kamid noqotay umadihii xaqooda laduud siiyay oo dadkooda lagu kala daray dalal kale oo geeska afrika ladaga balse waxa dalweynihii somalia oo sidaa loo kala jaray ilaah ku maneystay dhulkooda qeyraad farabaadan oo ayaga iyo jiilkooda mustaqbalka kabadan.
dowladii somaliyeed ee 60kii ladhisay ayaa ayada oo ka duuleysa ayeey go´aan satay qorsho ay ku mideyneeso dhaman umada soomaaliyeed midaas oo ay diidanaayeen dhaman dalalka caalamka kuwaas oo kaqeyb qaatay kala geybintii umuda somaliyeed ayagoo kaduulaya dhowr arimood oo aan hada rabin inaan inta ku kusoo ban dhigo,  
hadii aan kusoo laabto arinta xuduuda, Kenya waxa kutabeenay dhul iyo bad soomaaliyeed oo ay gumeysigii siiyeen, waxa ayna waligeed kacabsan jirtay 
in aan dib uga qaadano waana sida uu qorshuhu ahaa 90kii hor, maxa dhacay xiligii dowldii dhexe dhacday kadib ?

dowladii dhaxe dhicisteeda kadib maxa isbedelay?
waxa isbadalay qorshihii soomalida ee ahaa in maalin un xornimadooda helaan dadka soomaalida ah si ay ayagu u go´aan sadaan in ay dowlad noqdaan ama ay ku biiraan  soomaalida kale si ay aayahooda ugu tashadaan ayagoo kamadax badaan ajaanib kale oo aan kuluuqad iyo ku dhaqan aheyn. 
fikradaas waxa ay isbedashay marka ay soomaaliya bilaa dowlad noqotay mudo dheer oo ay iyaga isku mashquuleen, taasna waxa ay keentay in maanta intii laga soo taagay dhulkii maqnaa laysku heysto dhulka u haray soomaalida ooba loo soo xeed xeetay si soomaalidaan aan cidi umaqneyn, dadkiisana iska hurda in lagala wareego dhulkaan qeyraadka eebe ku maneystay oo aay naan ujeedin dadkii lahaa, waxa dhacday in maanta ay Kenyaatigu ay kudarsadaan badooda bad balaceedu uu la egyahay gobolka hiiraan taasna ay kadanbeesay madax soomaaliyeed oo u arkay in dantii guud iyo
dhulkii soomaalida ee lawada lahaa iney danahooda qaas ahaaneed kufushaan oo ay micno ugu fadhin waxa umada wada leedahay, waxaan istusay maanta ay soomaalida umidowday danahooda         arkeena in ay waxba gacanta kuheyn balse muxuu soo kordhin karaa hadii ay dib usoo ceshtaan          dhulkooda makulatahay in ay qeyraadka kujira badda soomaliya ugu faaiideyn doonaan soomaada       ayadoo ay maanta Heyda qaramada midoobay uqaabilsan cuntada ay sheegtay in kudhawaad 40%        soomalida ay soo wajahday cunta la´aan oo ay abaaro iyo nolol xumo ba´an ay heesato.    
         
waxan jecleystay inaan kusoo gunaanado oraahdaan aan meeshaan ku qoray oo maskaxdeyda kaguuxeysay maalmahan misna jeclaystay inaan idinla wadaago dhamaantiin su´aal taas oo qofwalba oo dinka mid ah jawaabtiisa laga sugayo.  
adigoo u hadlaya sidii qof muwaadin  soomaali ah maxay kulatahay arinta bada kusaabsan, sideese kula tahay inaan ula macaamilno  Kenya hadii aan kuguul dareesano maxkamada loo fadhiyo maanta? 
waa dhica kalee sidee kula tahay inaan uga faaiideysan karno qeyraadkeena badda kujira hadii aan ku guuleysano maxkamadaan ?
        

                                       MAHADSANID 



Comments

Popular posts from this blog

SIDEENU U NOOLAANAA? QEYBTA 1AAD ´XOOLAHA´

Qisadii nololeed ee Ilhaan Aweys!

QORAAL YAR OO KUSAABSAN DHACDADII XALAY EE MUQDISHO