Faalo:- gobonimo doonkii kasaaray gumeystii Dalka iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koofureyd




1 luulyo 1960 waxay aheyd Maalin aad qiimo weyn ugu fadhiday dhamaan umuda somaliyeed 
Run ahaantii qof Aan taagneyn waqtigaas Ma qiyaasi Karin farxadii iyo hididiiladii jirtay habeenkaa 

Waxay aheyd habeenkii ay xornimada qaadatay koonfurta Somaliya ayadoo calankii talyaaniga laga siibay dhulkeena Hooyo meel walba uu kataaagnaa laguna badalay kan qaranka Somaliya ee u eg cirka oo bilaa caad ah kana dhax muuqata xidigta 5ta gees leh ee cadey neysa tirada qoomiyada Somalida 

Dadka xiligaa jiray waxay dhab ka aheyd somali nimada waxa ayna naftooda iyo hantidooda kajeclaayeen wadankooda
Taas oo wax walba kala weyneyd!

SU'AAL!
Muwaadin adigoo naftaada ka runsheegaya makula tahay in Somalinimada kaala weyntahay wax walba oo aduunka maanta saaran ? 
 
Jawaabtaadu Ma ( maya ) baa mise waa  ( Haa ) adigoonan wax yaabo kale shuruud kadhigin. 
 

Hadaba umada somaliyeed ee barigaa jirtay iyo kuwa maanta jira waxa udhaxeeya farqi weyn taasna waxaa cadeyn kuugu filan sawirka hada Somaliya kaaga soobaxaya gumeystaha waqooyi iyo koonfur midna jaceyl uma imaan ee waxa loogu bixiyay magaca gumeyste ayaaba kuu cadeynaya inuusan wax qurxoon aheyn!

Anaga jiilkeenaa isku waqtiga ah Ama isku qarniga ah, laga soo bilaabo 1961 wixii dhashay waxay ku dhasheyn dal xor ah oo shisheye heysan waxaana xornimadaas inoo keenay awoowe yaasheyn kuwaas oo naftooda inoo huray Sidaan anaga xornimo igu noolaan laheyn umadaha kale ee aduunka kunoolna wax ula qeyb san laheyn, 


Wixii Somaliya ka dhacay 1930-1955 wax lagu farxo maaheyn waayo dad somaliyeed baa lagu dul mari jiray wabiyada sidii buundada oo kale, Gumeystuhu waxa uu inoo heystay adoon oo kale marna ku xamaasha Mar hantidooda qaata balse ragbaa kadhiidhiyay oo gashaanka u daruuray!

Hadaba guntii iyo gunaanadkii waxa caawa igu dhaliyay inaan faaladaan qoro xaalada maanta dalkeena Hooyo kajirta Ma ahan kaliya dhibaatada hada taagan balse aniga oo ah muwaadin somaliyeed xiligaan waa xiligii dalkeyga Aan abaalkiisa gudi lahaa balse maxan abaal gudaa? Micnaha qofka waxa uu abaal gudaa marka abaal loo Galo dalkeygii Waxba kuma soo baran kuma soo barbaarin oo qurbaha Ayaanba caqli iyo garaad kusoo yeeshay hadana wali kusuganahay waxa Aan ka cabsi qabaa malayiin caruur somali ah inay 30ka sano ee soo socoto ku dhashaan kuna wax bartaan qurbaha taasina waxa ay meesha kasaareysaa in la helo muwaadiniin Somali ah oo dalkooda ushaqeey, xasuustana maalmaha xornimada.

Caawa waa habeenkii midowga gobolada waqooyi iyo gobolada koonfureyd 1 luulyo 2015 waxan u rajeynayaa umada somaliyeed nabad iyo gacmaha oo lays qabsado aduunkaan tagay ee caadka dhaafay dadka waxa ay ku hormareyn midowga,
sanadkaan sanadkiisa waxan rajeynayaa hargeysa iyo mogdishu oo looga wada dabaal dago 1 luulyo kana wada suran calanka buluugaa.
Waxan kusoo gunaanadayaa!
''Sareeyoow manusqaamoo
  Aan siduu yahay eegee, 
  Kana siib kana saar..''

W/Q Kynaan Mire 




Comments

  1. midowga somalida waa lama huraan aniga rayigaag waan kugu raacsanahay

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

SIDEENU U NOOLAANAA? QEYBTA 1AAD ´XOOLAHA´

Qisadii nololeed ee Ilhaan Aweys!

QORAAL YAR OO KUSAABSAN DHACDADII XALAY EE MUQDISHO